AKHRISO: Ajandaha dhabta ah ee Turkiga ee mashruuciisa uu ka wado duleedka Muqdisho.

Wednesday November 18, 2026 - 08:27:25
MeMO Staff
Warbaahinta Nordic Monitor oo ay aas-aaseen suxufiyiin u dhashay dalka Turkiga, ayaa soo bandhigtay warbixin ay si weyn ugu lafa-gurtay ajandayaasha ku hoos duuggan mashruuca gumeysi ee Turkigu ka wado Soomaaliya, gaar ahaan deggaan ku dhow caasimadda Muqdisho.
Warbixinta oo uu diyaariyey suxufi u dhashay Turkiga oo lagu magacaabo Abdullah Bozkurt ayaa lagu faahfaahiyey qorshayaasha dhagaraysan ee Turkigu usoo tolay shaatiga uu u ekaysiiyey mid la xiriira ganacsiga iyo dayaxgacmeedyada.

"Mashruuca xarunta hawada sare eeTurkigu ka wado Soomaaliya oo lala xiriiriyey damacyadiisa milatari iyo horumarinta gantaallada riddada dheer.” Waa cinwaanka warbixinta ay daabacday shabakadda Nordic Monitor.

Xogtani waxay si hufan u iftiiminaysaa qorshaha Turkiga ee uu doonayo in xarun weyn oo laga rido gantaallada hawada sare, uu ka dhisto xeebta Soomaaliya ee Badweynta Hindiya.

Xaruntan ayaa si rasmi ah loogu soo bandhigay mashruuc marin-habaabin ah oo lagu sheegay mid la xiriira arrimaha rayidka oo loogu talagalay in ganacsi ahaan hawada sare loogu dirayo dayax-gacmeedyo, balse sida warbixintu sheegtay, waxaa soo baxaya suurtagalnimada in loogu talo-galay u adeegsiga goob lagu tijaabiyo hubka gantaallada ballisti-ga ah ee riddada dheer ee Turkiga.

Arrintan waxaa lagu sheegay dukumentiyo ka soo baxay dowladda Turkiga, warbixinno baarlamaanka laga hor jeediyay iyo xog la xiriirta qorshayaasha Ankara ee lagu ballaarinayo helitaanka qalabka iyo tiknoolajiyadda milatariga.

Dib-u-eegis lagu sameeyay diiwaannada maaliyadeed ee Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga ayaa muujisay in dowladda Turkigu qoondaysay ku dhowaad 42 milyan oo doollar, si loogu wareejiyo Sanduuqa Taageerada Warshadaha Difaaca, iyadoo lacagtaasi qayb ka tahay barnaamijka qaran ee Turkiga ee helitaanka hawada sare iyo dhismaha xarun laga gano gantaallada hawada sare.

Hannaankan maaliyadeed, oo lagu shaaciyay faallo hoose oo ku jirta barnaamijka waxqabadka hay’adda ee sannadka 2026, ayaa muujinaya xiriir rasmi ah oo ka dhexeeya wax lagu sheegay himilooyinka rayidka ah ee Turkiga ee dhinaca hawada sare iyo nidaamka maaliyadeed ee lagu taageero milatariga iyo warshadaha difaaca dalka Turkiga.

Mashruucan oo warbaahinta qaar ku qiyaastay inuu ku kacayo ku dhowaad 350 milyan oo doollar, ayaa laga hirgelinayaa meel u dhow degmada xeebta ku taalla ee Warsheekh, oo qiyaastii 70 kiiloomitir waqooyi kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Goobta ay xaruntu ku taallo ayaa muhiim u ah mashruucan rayid ahaanta loo ekeysiinayo, balse sida muuqata ah mashruuc milatari oo Turkigu ka wado halkaasi.

Arrintan oo Turkigu uu gebi ahaanba dalkiisa kasoo fogeeyey ayay warbixintu tilmaantay in waxyaabaha ka dhalan kara ay ka mid yihiin in haraadiga gantaalladu ay kusoo dhacaan meelaha ay dadku ku badan yihiin ama dalalka deriska ah.

Caddeynta dhukumentiyeed ee muuqata aadkana u muujinaysa xiriirka mashruucan iyo milatariga Turkiga ayaa laga helayaa Barnaamijka Rasmiga ah ee Waxqabadka Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga ee 2026, kaas oo lagu daabacay bogga internetka ee hay’adda.

Xiriirka ka dhexeeya himilooyinka Turkiga ee dhinaca hawada sare iyo hay’adaha warshadaha milatariga ee dalka ayaa sida ay warbixintu ka dhawaajisay, soo jiray ka hor dhismaha xarunta Soomaaliya.

Warbixinta Waxqabadka Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga ee sannadkii 2022 ayaa muujinaysa in hay’addu sannadkii 2021 bilowday qiimayn ballaaran oo qayb ka ahayd Barnaamijka Qaran ee Hawada Sare, taas oo lagu daraasaynayay arrimo ay ka mid yihiin noocyada gantaallada ee mustaqbalka hawada sare wax u diri kara, culaysyada ay qaadi karaan iyo goobaha laga ridi karo gantaallada hawada sare.

Waxaa la sameeyay afar kooxood oo shaqo, kuwaas oo loo xilsaaray inay daraaseeyaan:

1.Culaysyada iyo qalabka gantaalladu hawada sare u qaadaan.
2.Gantaallada hawada sare wax u dira.
3.Tiknoolajiyadda cusub ee riixista gantaallada & qaybaha ay ka kooban yihiin.
4.Kaabayaasha xarumaha laga rido gantaallada hawada sare.

22-kii Febraayo 2022, Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga waxay qabatay kulan lagu soo bandhigay natiijooyinka Warbixinta Falanqaynta Helitaanka Madaxbannaan ee Hawada Sare iyo Xarunta Hawada Sare.

Hay’adaha lagu casuumay kulanka waxaa ka mid ahaa shirkadaha waaweyn ee Turkiga ee dhinaca difaaca, iyo shirkado kale oo ka shaqeeya hawada sare iyo duulista.

Hay’addu waxay sheegtay in natiijooyinka falanqaynta loo qaybiyay dhinacyada ay khusayso. Hase yeeshee, warbixinta ayaa laga qariyay dadweynaha, mana jirin fursad ay bulsho-weyntu ku ogaan kartay faahfaahinteeda.

Roketsan oo ka mid ahayd shirkadihii ka qayb-galay kulankaasi, ayay warbixintu xustay in ka qayb-galkeedu uu yahay mid si gaar ah muhiim u ah, maadaama shirkaddani ay ka mid tahay shirkadaha waaweyn ee Turkiga ee horumariya nidaamyada gantaallada iyo hubka riddada dheer, oo ay ku jiraan gantaallada ballisti-ga ah ee loo yaqaan Tayfun.

Waxay sidoo kale ka shaqaysaa horumarinta tiknoolajiyadaha loogu talagalay in Turkigu yeesho awood uu si madax-bannaan dayax-gacmeedyada ugu diro hawada sare.

Inkasta oo gantaallada dayax-gacmeedyada hawada sare u dira iyo gantaallada ballisti-ga ahi ay leeyihiin ujeeddooyin kala duwan, haddana qaar ka mid ah tiknoolajiyadaha aasaasiga ah ee ay adeegsadaan ayaa isku mid ah. Kuwaas waxaa ka mid ah hababka riixista gantaallada, agabka lagu dhiso, nidaamyada hagidda iyo xakamaynta, iyo kaabayaasha lagu tijaabiyo.

Caddeyn dheeraad ah oo muujinaysa isticmaalka la filayo in shirkadaha difaaca ee Turkigu ku yeeshaan xarunta Warsheekh ayaa soo baxday bishii Diseembar 2025, markii Selçuk Bayraktar, oo ah guddoomiyaha shirkadda soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baykar, sidoo kalena ah wiilka uu sodogga u yahay Madaxweyne Erdogan, uu mashruuca Soomaaliya kaga hadlay munaasabad tiknoolajiyadeed oo ka dhacday magaalada Istanbul.

Bayraktar ayaa sheegay in dowladdu bilowday dhismaha xarunta laga rido gantaallada hawada sare, isaga oo si gaar ah u magacaabay shirkadda Roketsan inay ka mid noqon karto shirkadaha mustaqbalka adeegsan doona xarunta Washsheekh.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu rajaynayo in xaruntaas loo isticmaalo dirista gantaallada hawada sare ee ay horumarinayaan shirkadihiisa ka shaqeeya duulista iyo hawada sare.

Hadalladiisa ayaa muujiyay in Roketsan ay door toos ah oo mustaqbalka ah ku yeelan karto xarunta Soomaaliya, taas oo ka baxsan ka-qaybgalkeedii hore ee daraasadaha lagu qiimaynayay suuragalnimada mashruuca.

Raadinta Turkiga ee xarun uu dibadda ku yeesho oo laga rido gantaallada hawada sare ayaa si dhow ula xiriirta barnaamij madax-bannaan oo hawada sare ah iyo samaynta gantaallada riddada dheer.

Sida ay sheegtay warbixintu, xarunta Soomaaliya uu ka wado ayaa siin karta Turkiga fursado uu ku tijaabiyo barnaamijyadan. Warbixin ay wakaaladda wararka dowladda Turkiga ee Anaadool daabacday 1-dii Janaayo 2026, ayaa xaqiijisay in mashruuca Soomaaliya waxyaabaha loo qorsheeyay ay kow ka tahay dhismaha kaabayaasha lagama maarmaanka u ah ridista gantaallada hawada sare.

Dowladda Turkiga waxay sidoo kale filaysaa in mashruucani dhiirrigeliyo horumarinta gudaha dalka ee matoorada gantaallada, tiknoolajiyadda riixista gantaallada, agabka casriga ah, qalabka elektaroonigga ah ee diyaaradaha iyo gantaallada, iyo nidaamyada taageerada hawlgallada ee dhulka.

Barnaamijyada noocan ah waxay si joogto ah u adeegsadaan tiknoolajiyado khuseeya isgaarsiinta milatariga, xog-ururinta sirdoonka iyo hagidda.

Waxaa la rumeysan yahay in Turkigu isku dayayay inuu hamigiisa sii kordhaya ee horumarinta gantaallada ballisti-ga ah ku dhex daro mashruuca xarunta hawada sare ee Soomaaliya, isaga oo adeegsanaya magaca horumarinta xarun hawada sare ah.

Ankara si rasmi ah ugumay soo bandhigin dadweynaha qorshe hawlgal oo dhammaystiran oo kala saaraya hawlaha rayidka ah ee xarunta, sida dirista dayax-gacmeedyada, iyo qorshe kasta oo la xiriiri kara tijaabooyinka milatariga.

Dowladda Turkiga ayaa xaqiijin cusub ka bixisay halka uu marayo mashruuca intii lagu guda jiray dhageysi 2-dii Nofeembar 2026 ka dhacay Guddiga Qorsheynta iyo Miisaaniyadda Baarlamaanka Turkiga.

Wasiirka Warshadaha iyo Teknoolajiyadda Mehmet Fatih Kacır, oo halkaas ku soo bandhigayay miisaaniyadda wasaaraddiisa ee sannadka 2027, ayaa sheegay in dowladdu ku tallaabsanayso sidii ay u heli lahayd awood ay dayax-gacmeedyada Turkiga ugu diri karto hawada sare iyadoo adeegsanaysa gantaallo gudaha dalka lagu farsameeyay.

Wasiirku wuxuu si gaar ah u xusay dhismaha xarunta hawada sare ee Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay qayb muhiim ah oo ka mid ah himiladaas.

Waxa uu sheegay in xaruntani Turkiga siin doonto awood uu si madax-bannaan hawada sare ugu gaaro, isla markaana ay u suuragelin doonto inuu qayb weyn ka helo dhaqaalaha caalamiga ah ee ku dhisan hawlaha hawada sare.

Wasiirku si taxaddar leh ayuu uga gaabsaday inuu wax ka sheego dhinaca milatariga ee mashruuca. Si kastaba ha ahaatee, hadalladiisu waxay xaqiijiyeen in xarunta Soomaaliya ay ka gudubtay heerkii fikradda ee bilowga ahayd, isla markaana ay qayb ka tahay istaraatiijiyadda qaran ee Turkiga ee dhinaca hawada sare.

Dowladda Turkiga waxay sidoo kale damacsan tahay inay hawada sare geyso nidaamyo taageeri kara ururinta xogaha sirdoonka, isgaarsiinta iyo hagidda, kuwaas oo ah awoodo ay si gaar ah u danaynayaan hay'adaha milatariga dalkaasi.

Warbixintu waxay sheegtay in dhismaha xarunta hawada sare ay ku soo beegmayso xilli Turkigu si weyn gacanta ugu dhigay arrimaha milatariga, dhaqaalaha iyo siyaasadda Soomaaliya.

Ankara ayaa si weyn u ballaarisay joogitaankeeda Soomaaliya tan iyo booqashadii Madaxweyne Erdogan uu Muqdisho ku tegay sannadkii 2011, isagoo huwan shaati caawimaad oo ay ku hoos duugan yihiin ajandayaal gumeysi oo ka dhan ah Soomaaliya.

Si ammaanka mashaariicdiisan uu u sugo, Turkigu wuxuu sannadkii 2017 Muqdisho ka furay xarun millateri oo weyn oo lagu magacaabo TURKSOM, taas oo uu ugu talo-galay inuu ku tababaro ciidan Soomaali ah oo ujeedka dhabta ah ee uu ka leeyahay ay yihiin u adeegista danihiisa Soomaaliya.

Xaruntan ayaa la sheegay in dhismaheedu ku kacay ku dhowaad 50 milyan oo doollar. Waxaana intaas kadib, Turkigu uu kooxda riddada Soomaaliya ka saxiixday heshiisyo kale oo dheeraad ah oo ku saabsan maamulka millateriga iyo badda Soomaaliya, isagoo gaaray xattaa heer uu saamayn weyn ku yeesho xulista saraakiisha sare ee maleeshiyaadka kooxda Villa Soomaaliya.

Bishii Luulyo 2024, Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin madaxweyne oo oggolaanayay in cutubyo ka tirsan ciidamada badda Turkiga loo diro Soomaaliya, iyadoo la raacayo heshiisyada xaaraanta ah ee uu ka saxiixday kooxda Villa Soomaaliya.

Sida ay warbixintu xustay, doorka amni ee sii kordhaya ee Turkiga ayaa barbar socday ballaarinta danihiisa ganacsi ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan maamulka kaabayaasha dhaqaalaha iyo qorshayaasha sahminta shidaalka iyo gaaska, kuwaas oo 95% loo saxiixay in isagu uu yeesho.

Shirkadaha Turkiga ayaa gacanta ku dhigay ilihiii dhaqaale ee Soomaaliya sida maamulka garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho, goobahaas oo lacago adag ay ka sameeyaan, halka Ankara ay sidoo kale waddo sahminta tamarta ee xeebaha iyo dhulka ee gudaha Soomaaliya.

Warsheekh waxay Turkiga u noqonaysaa xarun muhiim u ah oo uu ku kordhiyo joogitaankiisa gumeysi ee Soomaaliya. Taasi waxay u suuragelinaysaa inuu dalka ku beerto ciidan danihiisa u adeega, kusii xejisto gacan-ku-heynta badda, kana diro gantaallada hawada sare.

Related Items

Update cookies preferences